Sawirro: Wafdi ballaaran oo ka socda Hay’adda Care International oo maanta booqday Mashruuca Horumarinta Bursaalax

7 feb 2017 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa soo Gaaray Xarunta Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursalax ee magaalada Bursaalax Wafdi ballaaran oo ka socda Hay’adda Care International oo kala ah Madaxa Hay’adda Care International Somalia ee Barnaamijka SOMGEP (Somali Girl Education Promotion) Abdi-farxaan Guure , Madaxa SOMGEP Puntland Mudane Abdiqafar iyo Engineerka Hay’adda Care International u qabilsan Dhismaha Kuleejka Gabdhaha ee Bursaalax Mudane Ismacil Salaad Dahir.

Ujeedka Hay’addu u timid ayaa ahaa Kormeer guud oo ay Ku arkaysay heerka uu marayo mashruuca Dhismaha Kuleejka Gabdhaha ee Bursaalax oo ay ku Aaron do onto 80 Gabdhood, Wadatashi BCDP iyo Hayadda Care oo Ku aadan qaabka loo hirgelin doono Mashruucaan Kuleejka Gabdhaha ee Bursaalax.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Maamulka Mashruuca BCDP, Gudiga Waalidiinta labada Dugsi, Maamulka Bursalaax ayaa waxay Bulshada Bursaalax si wayn u balanqaaday inay Ku guulaysan doonto Barnaamijkaan madaama BCDP in ka badan 16 sano oo khibrad ah u leedahay maamulidda Hoyga Jiifka balse Noocan cusubi u baahan yahay masuuliyad ka badan tii hore ee Wiilasha.

Gudiga Waalidiinta iyo Hooyooyin kasoo qaybgalay kulanka ayaa hay’adda ka codsaday inaysan Dhismaha kaliya Muhiim ahayn ee ay hay’addu Gacan Wayn Ku yeelato Socodsiinta Kuleejkaan Dhanka Bulshada, BCDP iyo Jaaliyaduhuna diyaar u yihiin inay Hay,adda la shaqeeyaan.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ah mahadnaq loosoo jeediyey Jaaliyadaha iyo Bulshada Deegaanka ee Gacanta Wayn Ku lahaa Isku daygaan soo socday 17ka sano maantana lagu faani karo.

Dhanka kale 80 ka Gabdhood ayaa waxaa loo kala qoondeeyey 40 Gabdhood oo Deegaanka uu ku yaal Kuleejku laga soo xarayn doono iyo 40 Gabdhood oo laga kala keeni doono dhamaan Gobolada Puntland waxaan arintaas gacan ka gaysan doona Dawladda Puntland.

Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay kana jawaab bixiyey afkaartii goobta masuuliyiinta hay’adda Care International waxayna bogaadiyeen BCDP hiigsigeeda iyo siday ugu guulaysteen inay helaan Mashruucaan oo uu ka xusay Khibradda Shaqo iyo Wadashaqaynta tooska ah ee labada dhinacba, waxayna xuseen in Mashruuca baahiyihiisa u gudbin doonaan Deeq bixiyaasha Caalamka jawaab fiicana ka sugayaan.

Hay’adda Care International ayaa kabis yar ku yeelan doonta Barnaamijkaan waxaana dhamaadka bishaan lasoo gabagabayn doonaa Dhismaha wuxuuna dhaqan geli doonaa Bisha April halkaas oo Furitaankiisa kasoo qayb gelibdoonaan Haddii Alle idmo Masuuliyiinta Dawladda Puntland iyo Hay’adda Care.
Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Puntlandes.com

About The Author