Dhagayso:-Garowe Mashruuc Caasimada Lagu Dhireynayo Oo Ladhagax Dhigay

masuuliyiinta dowlada hoose ee degmada garowe iyo masuuliyiin ka socdey hay,ada Care ayaa waxaa ay dhagax dhigeen mashruuc  kun iyo sodon iyo shan geed lagu beerayo wadooyinka iyo xarumaha dowlada ee ku yaala caasimada dowlada Puntland.

Duqa degmada garowe xasan maxamed Goodir ayaa sheegey inay soo dhawaynayaan mashruucaan dhireynta oo ka qayb qaadan doona sidii sare u qaad mi lahayd bilicda caasimada dowlada Puntland oo hormaro balaaran ku tilaabsanaysa.

Axmed Maxamed Cali oo ah masuulka ka socdey hay,ada Care oo dowlada hoose mashruucaan ka gacan siinaysa ayaa sheegey in ujeedka mashruucaan uu yahay sidii loo dhireyn lahaa xafiisyada dowlada iyo wadooyinka kala duwan ee caasimada.

Hoos ka dhagayso

About The Author