Faah Fahin Weerar Kooxo Hubaysan Saaka Ku Qaadeen Hotelka Village Boosaaso

markii laga soo baxay salaada subax ayaa waxaa hotelka Village oo kuyaa koonfur galbeed boosaaso gaar ahaan xaafada new boosaaso waxaa weerar kusoo qaaday saddex nin oo hubaysan waxaana ay isku dayeen inay gudaha u galaan hotelka.

Labo kamida malayshiyada ayaa waxaa goobta ku dilay ilaalada gudoomiyihii hore gobolka bari C/samad maxamed gallan oo hotelka daganaa waxaa sidoo kale ilaa lada masuulka laga dilay labo kamida halka uu goobta ka baxsaday mid kamida dablaydii weerarka soo qaaday.

Labada mayd ayaa laga qaaday goobta oo ay soo gaareen maamulka gobolka bari iyo saraakiisha amaanka waxaanse wali la xaqiijin kooxaha ay ku habayb sheegtaan walow wararka qaar ay shegayaan in kooxda weerarka soo qaaday ay kamid yihiin nabad diidka Daacish.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka soo gala hotelka waxaana jira baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka oo baadi goobaya ninka baxsadkaa ee kamida kooxahan nabadiidkaa ee hotelka soo weeraray iyadoona aad loo ad keeyay dhaq dhaqaaqa xaafada new boosaaso.

Kooxihii sheegan jiray weerarada iyo dilalka Puntland ka dhaca ee shabab wali ma ayna sheegan weerarka hotel Village waxaana weerarkaan kusoo aadayaa xili werar caynkana dhawaan lagu qaaday kaantaroolka magaalada boosaaso.

Puntlandes.com

About The Author