Warbixin:-Shacabka Gaalkacyo Oo Furey Wadooyinkii Ukala xirnaa Dowlada Puntland Iyo Galmudug

Shacabka labada Dhinac ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay xalay iyo saaka ku guulaysteen inay baneeyaan wadooyinka ciidu ku xirnayd ee dhawaan ay kala xirteen ciidamada dowlada Puntland iyo kuwa galmudug waxaana suuro galay in baabuurtii xanib naa ukala gooshaan labada dhinac ee magaalada.

Ciid Tuuro iyo dhagaxaan ayaa ku xirnaa halka loo yaqaan khadka cagaaran iyo jidka sodonka ee cagaarwayne waxaana dhamaan baneeyay shacabka magaalada oo labada dhinac ee magaalada ka kala yimid iyagoo aana ciidan hor istaagin.

Xalay ilaa maanta waxaa si toosa isku dhex marayaya shacabka Gaalkacyo waxaana shacabka ka imaanaya dhinaca galmudug ay ku damashaadayeen dhinaca waqooyi iyagoo si xora magaalada ku maraya cidina aysan is dareen siin socodkooda dadkana kamid aha damashaadaya.

sidoo kale shacabka Puntland ayaa tagayay dhinaca baraxlay iyagoo shacabka kale si wada jira ula damaashaadaya waxaana hadaa isku furan Gaalkacyo oo mudo kala xirnayd waxaana sidoo kale gaadiidkii ukala gudbayaan labada dhinc maadama mudo ay kala xirnaayeen.

Hada waxaa si toosa isugu furan labada dhinac ee Gaalkacyo waxaa uka gudbaya gaadiidka iyo dadka lugaynaya waxaana taasi ka dambaysay kadib markii xalay Madaxweynaha Soomaaliya loo dhaariyay Maxamed C/laahi Farmaajo oo shacabku aad u taageer sanaayeen.

Puntlandes.com

About The Author