Daawo video-Sawirro: Degmada Baargaal oo si wayn loogu dabaaldagay Guusha madaxwayne Farmaajo

9 feb 2017 (Puntlandes) Kumanaan shacab ah ayaaa Maanta isuguso baxay Suuqyada iyo
fagaarayaasha Magaalada Baargaal , iyagoo u dabaal dagayay taageerada
madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo oo Xalay ku guulaystay madaxweyanaha Soomaaliya ee afarta
sano ee soo socota.
Daawo Muuqaal

Dadwaynaha ayaa socod ku kala bixiyay magaalada Baargaal gudehaada
ayagoo ku dhawaaqaayay ereryo isugu jira hambalyo iyo soo dhawayn iyo
isbadal in loo baahnyahay Waxaa sidoo kale ka muuqday wajiyada
dadwynaha dabaaldagayay sida ay ugu faraxsanyihiin sida wanaagsanayd
ee habsamida lahayd ee doorashadu ugu dhacday ayagoo taas ku amaanay
Barlmaanka cusub ee soomaaliya oo ka turjumay rabitaanka shacabka

Gudoomiyaha Degmada Baargal Abuukar Axmed yuuusuf oo la hadlay dadkii
dabaaldagaayay soona dhawynaayay madaxwaynaha cusub ee soomaaliya
maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa sheegay in wakhtigan xaadirka ah loo
baahnaa madaxwayne soo celin kara rajadii midnimada iyo xasiloonida
soomaaliya asagoo u diray baaq Madaxwaynaha Cusub inay ku casumaayaan
deegaanada Gobolka gardafuu ee Puntland oo ku yaala geeska soomaaliya

Dadawaynihii Dabaaldagaayay ayaa ku soo bandhigay barxda Guriga
Dawlada hoose ee Degmada Baargaal ciyaaro iyo dhoolatus iyo suugaan ay
ku taageeraayaan madaxwaynaha Cusub ee dawlada soomaaliya Mudane
maxamed c/laahi farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jiitay quluubta shacabka Soomaaliyeed
iyadoo si siman guusha looga dabaal dagay guud ahaan Soomaaliya,
wuxuuna ahaa musharaxa kaliya ee haystay taageerada shacabka
Soomaaliyeed.
Daawo sawirrada
20

20+c3

20a

20b

20c

20c1

20c2

20c4
Puntlandes.com

About The Author