Boosaaso,Madaxweynaha Dowlada Puntland Iyo Wafdi Laga Sugayo Inay Kasoo Dagaan

Magaalada boosaaso xarunta ganacsiga dowlada Puntland waxaa laga sugayaa inay mardhow kasoo dagaan wafdi balaran  oo uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Puntland mudan C/wali Maxamed Cali waxana wararka qaar sheegayaan inuu la socda Raisul wasaraha Soomaaliya cumar C/rashiid.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada waxaana wadooyinka jooga ciidamada kala duwan ee dowlada Puntland oo amaanka xaqiijinaya waxaana aad loo baarayaa gaadiidka isticmaalaya wadooyinka waxaana aad loo adkeeyay amaanka.

Garoonka waxaa kusugan masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada Puntland maamulka gobolka bari,kan degmada Boosaaso,iyo saraakiisha amaanka ee kala duwan waxaana ay sugayaan soo dhawaynta madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya aaska loo samaynayo AUN Madaxweynihii hore Dowlada Puntland Maxamuud Muuse xir( Gen Cade muuse ) oo horaantii isbuucaan ku geeriyooday dalka isku taga imaaraadka carabta.

Puntlandes.com

About The Author