Dhagayso:-Tababar Kusaabsan Mashruuca Hormarinta Degmooyinka Puntland Oo Garowe Ka Furmay

Tababarkaan ayaa waxaa soo qab qaabisay wasaarada arimaha gudaha dowlada Puntland oo gacan ka heleysa hay,ada UNDP iyadoona mudada saddexda cishaa ee uu soconayo masuuliyiinta degmooyinka lagu bari doonaa habka maamulka mashruuca ( GPLG)

Agasimaha waaxda Qorshaynta wasaarada arimaha gudaha dowlada Puntland Maxamed cali Nuur ayaa sheegey in masuuliyiintaan loo tababari doona qaabka ay umaamuli lahaayeen mashruca hormarinta degmooyinka oo ay usii gudbin doonaan degmooyinka ay ka yimaadeen.

Maamulka iyo maaraynta ayaa loo tababarayaa shaqaalaha dowladaha hoose oo ku shaqeeya mashruucan hormarinta degmooyinka ee GPLG waxaana shaqaalaha markay dhamaystaan loo qaybin doonaa bugaagta casharada mashruucaan ayuu yiri Maxamed cali Nuur

Hoos ka dhagayso

About The Author