Habkee Farmaajo uga Faa’iidaysan karaa Maamul goboleedyada, Khataraheese ku xeeralo (Faalo)

Doorashii 8, Feb, 2017, waxaa ay kusoo beegantay xili ay soomaalidu aad u daashay, Dulqaadkooduna siyaaday, waxay kusoo beegantay xili ay jiraan ifa faalooyin badan, Riyooyin iyo Qiyaaso ay bixinayeen dadka Nolosha Odorasa.

16640824_750074955142421_7454563012206971378_n

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee soomaaliya sisiman looga soo dhaweeyo, Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee Codka shacabka kusoo baxa, waana Madaxweynihii ugu taageerada Bad, madaxdii soo martay Soomaaliya, marka laga eego dhinaca Shacabka.

Qorsha ugu muhiimsan ee haatan horyaal waa sidii uu ku heli lahaa xukuumad la mowqif ah, oo doonaysa in ay ka tagto magac iyo sumcad, sidii uu ku heli lahaa habraac siyaasadee oo isku soo dhawaynaya shacabka iyo Dowladda.

Maamul Goboleedyada iyo DF

Madaxweynaha haatan loo doortay talada Dalka Soomaaliya, waxaa uu aaminsan yahay Jamhuuriyadda Dimuquraadi Soomaaliya, waxaana uu dhabar jab u arkaa Maamul goboleedyada yar yar ee laga dhex sameeyey Dowladda Soomaaliya, Inkasta oo xiligii uu Raysal wasaarafa ahaa ay ahaayeen Puntland iyo Somaliland, balse haatan ay intaas ka badan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu xilka u qabanayaa Soomaaliya oo u kala qaybsan 8 meelood, 7 maamul Goboleed oo aan qaarkood la aqoonsanayn, iyo Gobolka Banaadir, waxaana uu aaminsan yahay in ay tahay middaani mid lagu baabi’inayey Soomaaliya,horusocodka iyo bur burka Hankiisuna waxaa uu ku xiran yahay sidii uu ula tacaali lahaa dhaqanka Maamul goboleedyadaan.

Somaliland.

Waa maamulka Goboleedka ugu dhib badan, waxaa ay ku dhawaaqeen in ay Goosteen oo aysan marna aqbalayn Soomaaliya in ay ku laabtaan, Waxaase uu Farmaajo haystaa Fursad ka duwan kuwii hore, waana rabitaanka shacabka Somaliland oo markii ugu horaysay 27sano kadib u sacabiyey madaxweyne loodoortay Soomaalia.

Waxaa u furan in uu wada hadal lafuro, is dabciyo soona dhaweeyo, uuna ka faa iidaysto rabitaanka shacab, sidadbanna loosooceliyo quluubta dhalinyarada Soomaaliland.

Hadaba Hadii uu Farmaajo Puntland ka samayso ciidamo Farabadan oo Sirdoon ah (Dharcad), kuwaas oo isagana ka caawiya xaaladda wadanka, Dowladda Puntlandna ka caawiya Xoga amaanka iyo ilaalinta muwaadiniinta Puntland.

Puntland.

Maamulka Puntland oo qayb weyn ka qaatay in ay DF dib isu qabsatto, waxaa ay mar is qaniineen Madaxweyne Farmaajo, xiligii uu Raysal wasaaraha ahaa Puntlandna waxaa haysay Dr.Faroole, oo ay siyaasadda ku hishin waayeen, taas oo gaartay in uu Madaxweyne Farmaajo Buugiisa uu qoray uu kusoo qaato Puntland.

Arintaan ayaa keentay in qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland, ay shaki weyn ka muujiyaan siyaasadd Farmaajo, iyaga oo waxyaabo badan soo qaadanaya, muujinayana in uu Farmaajo Hor istaago Hormaro badan oo Puntland usoosocda, Waana middna Ugu culus ee madaxweyne Farmaajo laga rabo in uu meesha ka saaro.

Puntland waxaa uga Furan laba Fursadood oo uu ka faa’iidaysan karo, Dadweynaha Puntland oo jecel Soomaaliya dib usoo laabata, Taageero xooglehna uhaya Madaxweyne Farmaajo, oo uu kasban karo haddii uu tuso in uu doonayo in ay hor maraan Soomaaliya wax ka hor mariyaan.

Madaxweynaha haatan hogaaminaya Puntland waxaa mid ka mid ah Mirihii uu siyaasadda ku dhex abuuray Farmaajo, waa Wasiirkiisii Qorshaynta Soomaaliya, Waa raysal wasaarihii ka danbeeyey ee Sida lasheego uu isagu ku taliyey in xilkaas lagu wareejiyo, waana aqoonyahan ay isku dal kasoo jeedaan (USA).

Si ay Puntland u noqoto mid ka mid ah baalayaasha uu ku doolo waa in uu kala shaqeeyaa Arimaha Horumarinta iyo dib u dhiska Dalka, waana in uu ka ilaaliyaa in ay dadlalka shisheeye usoo dhex galaan haraga Puntland, uu iyada kaabaa kana dhes samaystaa saaxiibo badan.

Hadaba Hadii uu Farmaajo Puntland ka samayso ciidamo Farabadan oo Sirdoon ah (Dharcad), kuwaas oo isagana ka caawiya xaaladda wadanka, Dowladda Puntlandna ka caawiya Xoga amaanka iyo ilaalinta muwaadiniinta Puntland.

Galmudug iyo Hir Shabeele.

Labadaan maamul Goboleed waalaba maamul Goboleed oo haatan Biloow ah, waxaana ay baahi weyn u qabaan dhismaha Ciidamo amaanka suga, Milatari, Daraawiish, Boolis iyo Sirdoon midna maleh, inkasta oo Galmudug ay haysatto ciidan Daraawiish ah iyo Xoogag aan badnayn oo NISA ka jooga misana wali waxay ubaahan tahay in la dhiso ciidankeeda.

Hadii uu ka caawiyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalah, Siyaasaddooda Ugubka ahna uu ku dhex yeesho Saaxiibo badan oo la shaqeeyo, gacantiisa ayey soogalyaan labada maamul.

 

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Labadaan Maamul waalaba maamul oo aan xaalkoodu sahlanayn, waxaa gacan qaawan kuleh Itoobiya, oo aan marna raali ka ahayn Dhismaha Ciidan qaran oo Soomaali ah, sidoo kalan aan saaxiib lahayn madaxweynaha cusub, sidaas darteed waxaa ay uga baahan tahay in uu saaro xoog aad U badan.

Jubbaland waxaa jooga Kenyan iyo Itoobiyaan, labaduba waxaa ay xooga saari doonaan sidii ay Farmaajo uga horkeeni lahaayeen Maamulkaas, taasi waxaa ay uga baahan tahay Tadar dheeraad ah.

K/Galbeed oo uu madaxweyne ka yahay Shariif Xassan oo ay siyaasadda ku kala fogaayeen, saaxiib aad ugu dhow itoobiyana ah, waxaa uu caqab ku noqon doonaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana taas kar karin doona siyaasadda kacsan ee maamulkaas ka dhex jirta, Hadii uusan Madaxweyne Farmaajo iska Aruurin Siyaasaddaasna waxaa aay caawinaysaa cadawgiisa deegaanadaas jooga.

Hadaba si taas xal loogu helo, waa in uu madaxweyne Farmaajo geed dheer iyo mid gaaban u fuulaa sidii uu ku hanan lahaa maskaxda Ciidanka deegaanadaas iyo Shacab dhulkaas kunool, waana in uu labadaas Gobol ka dhex abuuraa Ciidan Sirdoon ah oo xoog badan si uu ula socda Ilaha ay kasoo burqanayaa Fikradaha Dhagar qabayaasha, sidoo kalan waa in uu samaystaa Shabakado Saaxiibadiis ah, oo siyaasiyiin ah kuwaas oo uu la kaashado dhacdooyinka aan looga maarmi karayn.

Khadtarta ugu Weyn ee laga Cabsi qabo.

Khatarta uguweyn ee haatan cabsida laga qabaa waa, in ay madaxdiisa iyo saaxiibadiis soo dhex galaan kuwo badan oo doonaya in ay Isaga Fashiliyaan, isagu uu ka dhigto saaxiibo dhow, kuwaas ayaa laga yaaba in ay ka faa’iidaystaan fikirka madaxweynaha ee Xamaasigaa, ee uu ku doonayo in uu helo Hal soomaali, sidaas darteedna ay Ku riixaan sidii uu ku bur burinlahaa awoodaha maamulada.

Inkasta oo uusan Taageersanayn Fikirkaan maamul goboleedyadda, misaa maahan mid uu markaan Bur burinkaro ama wiiqi karo, taas badalkeeda waxaa ay ka hor imaanaysaa dhamaan hadafyadiisii higsiga fogaa, waxaana taakulo iyo garab istaag lasoo dhuuban doona dhamaan Dowladda Shisheeye oo ka faa iidaysan doona kala fogaanshaha maamul goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Haddii uu Madaxweyne Far maajo la daagaalamo Maamul Goboleedyada, dhamaan hankiisii, kii ummadda Soomaaliya iyo Iftiinkii la filayey oo dhan waa ay Bur burayaan.

 

 

About The Author