Daawo Video: Labada Gole ee Barlamanka Somaliland oo ansixiyey in Saldhig Milateri Berbera Laga Siiyo Dawlada Imaaraadka & sidii wax u dhaceen

12 feb 2017 (Puntlandes) Kulankii wada jirka ahaa ee ay maanta iskugu yimaadeen labada gole ee  guurtida iyo wakiilada Somaliland isla markaana madaxwayne Siilanyo maanta ka hor akhriyey khudbad sanadeedkiisii ugu danbeeyey iyo waliba heshiiska saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadka carabtu doonayso inay ka dhisato magaalada Berbera ayaa waxay xildhibaanadu ansixiyeen in la wareejiyo madaarka magaalada Berbera isla markaana dawlada Imaaraadku ka dhisato saldhig Milateri.

Daawo Khudbadii madaxweyne Siilaanyo

Waxaana xildhibaanadan oo iskugu jira labada gole ee wakiilada iyo guurtidu markii madaxwayne Siilaanyo khudbadiisii dhameeyey ay guda galeen codaynta in la wareejiyo madaarka magaalada Berbera isla markaana dawlada Imaaraadku ka dhisato saldhig Milater,waxaana codayntii ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo waliba inay xildhibaanada qaar dagaal gacan ka hadal ah dhex maro.

233-9a4

Intaasi ka dib Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxxmaan Cirro ayaa isagu iska baxay golaha,waxaana xildhibaanadu ay sii wateen codayntooda.

Waxa u codeeyey in la ansixiyo heshiiskaasi 144 xilhibaan halka ay xildhibaanada intoodii kale ay ka baxeen golaha kuwaas oo kasoo horjeeday in la ansixiyo heshiiska golaha la hor keenay ee Saldhiga Milateri.

Ciidamadii kala duwanaa ee goobta lasoo dhoobay ayaa waxay wararku sheegayaan in xidhibaanada qaar gaar ahaana xildhibaanadii diidanaa in la ansixiyo heshiiska sadhiga Milateri ay garaaceen jidh dilna u gaysteen.

Xaruntii baarlamaanka ayaa waxa ka socda buuq iyo sawaxan iyo waliba is qab-qabsi dhex maraya xildhibaanada qaar oo ah xildhibaanada labada dhinac kala raacsan.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay ku danbayn doonto arirnkan ansixinta heshiiska saldhiga Milateri.

Puntlandes.com

 

About The Author