Sawirro+Warbixin:-Kulan Ku Saabsan Dib Uhabaynta Shaqaalaha Dowlada iyo Tayayntooda Oo Gaalkacyo Ka Dhacay

Kulankaan waxaa soo qaban qaabisay wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada Puntland iyo wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamigaa ee dowlada Puntland oo kaashanaya bangiga aduunka waxaana kasoo qayb galay shaqaalaha wasaaradaha ee gobolka mudug.

Gudoomiyaha gobolka mudug mudane xasan maxamed khaliif ku xigeenkiisa maxamed ciise xubno ka socday wasaradaha dowlada puntland iyo isuduwayaasha wasarada dowlada Puntland ee gobolka mudug waxaana kulanka qaybtiisa hore ahayd is barasho.

Barni ciise axmed agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha wasaarada shaqada iyo shaqalaha dowlada Puntland ayaa xustay in kulankani yahay wajigii labaad ee tirakoobka shaqaalaha dowlada Puntland iyo habkii loo tayayn lahaa shaqaalaha shaqaynaya.

Maxamuud siciid nuur ka socdey xafiiska madaxweynaha ahna lataliye dhanka shaqaalaha ayaa ka hadlay muhiimada dib uhabaynta shaqaalaha isagoona taa ku tilmaamay in lagu heli karo shaqaale ka shaqaynaya shaqada uu yaqaan looguna dari karo tayayn.

Waxaa uu xusey in hadii dib uhabayn shaqaale iyo tiro koob la helo ay booska ka baxayso shaqo uu qabto qof aan aqoonteeda lahayn taasina ay keentay in dowlada Puntland ay muhiimada saadho tayaynta shaqaalaha lana tiro koobo shaqaalaha saxdaa ee shaqaynaya.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka mudug mudane xasan maxamed khaliif ayaa tilaabo wanagsan ku tilmamay diiwan galinta iyo dib uhabayn lagu sameeyo shaqaalaha dowlada si loo helo shaqaale tayo leh kana soo bixi kara shaqada ay ummada uhayaan.

Hoos ka eeg Sawirrada

1 2 3 4 5 6 7 9 vlcsnap-error037 vlcsnap-error037 vlcsnap-error068 vlcsnap-error174 vlcsnap-error846 vlcsnap-error950 vlcsnap-error975

About The Author