Dhagayso:-Cabdi jamaal Cismaan Maxamed”Shacabku waa inay Ku Dhiiradaan Ladagaalanka Kooxaha Nabad Diidka Ah

Wasiirka xanaanada xoolaha dowlada Puntland Cabdi jamaal Cismaan Maxamed oo ka qayb galay shir looga hadlayay amaanka ayaa waxaa uu sheegey in shacabka looga bahan yahay inay ku dhiiradaan inay laamaha amaanka la shaqeeyaan lana dagaalamaan kooxahaan nabadiidka ah.

Cabdi jamaal Cismaan Maxamed ayaa waxaa uu sheegey inay dowlada Puntland ay la dagaalamayso kooxahan nabad diidka ah ee shabab iyo daacish la baxay awalna ay dowladu la dagaalamaysay hadan ay la dagaalami doonto ayna uga dabi tagi doonto meelaha ay joogaan.

“Shacabka waxaan u sheegeynaa nimankaan waa niman daciif ah oo aad u liita bulshada boosaaso waxaana ka codsanaynaa inay ku dhiiradaan lashaqaynta laamaha amaanka waxaani wax wayn maah wiil xunoo kabo siliga qaba ujeedkiisana uu yahay amaanka inu khal khaliyo balse aan wax kale qaban karin ayuu yiri Cabdi jamaal Cismaan Maxamed.

Hoos ka dhagayso

 

About The Author