MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA EE PUNTLAND OO 7 QOF DIL TOOGASHO KU XUKUNTAY

13 feb 2017 (Puntlandes) Maxkamad Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobal ayaa maanta xukuno dil ah ku Riday Todoba dhalinyaro ah oo lagu soo edeyey in ay ka tirasan yihiin Ururka Al-Shabaab islamarkaan ay dileen Masuuliyin ka tirasan Puntland oo dhawaan lagu dilay Magaalada Boosaso oo  uu ka mid ahaa AUN Agaasimihii Madaxtooyadda Puntland ee Bosaso Aadan-Gaas Huruuse Yuusuf Canshuur.

Markii uu xukunkani dhacayey waxa maxakamada goob jog ka ahaa  Qareeno u doodayey dhalinyaradan lagu edeyey in ay ka tirasan yihiin Ururka Al-Shabaab oo aý dilkaasi gaysteen.

Xeer ilaaliyah Maxkamada Ciidamada Qalabaka sida ee Shanta Gobal ayaa sheegay in ay iyagu isku markhaati fureen oo qaarkood walaalo yihiin kuwa kalana ay sheegen inay ka tirsan yihin Al-shabab.

Gudoomiyaha Maxkamada  Ciidamadaa Qalabka sida ee shanta Gobal Cabdi Fataax Xaaji Aadan  ayaa ugu danabantii markii uu dhagaysatay dacawada waxa uu Ridaya xukun dil Toogasho aha .

Magacyadda lagu Xukumay dilka hoos ka akhriso:

  1. Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
  2. Ayuub yaasin cabdi (dadiisu 32 sano jir)
  3. Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir)
  4. Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir)
  5. Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir)
  6. Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir)
  7. Daa’uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir)

 

 

Puntlandes.com

About The Author