Warbixin+Sawirro:-Maydka Madaxweynihii Hore Dowlada Puntland Gen Cadde Muuse Oo Boosaaso Laga Soo Dajiyay

Allaha uraxmo maydka madazxweynihii hore ee dowlada Puntland Gen Maxamuud xirsi muuse ( Gen Cadde) ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaana aad loo adkeeyay amaanka garoonka.

Madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa ay kusugan yihiin garoonka diyaaradaha waxaana halkaasi maydka salaan ugu saaray cutubyo kamida ciidanka difaaca dowlada Puntland.

Cumar C/rashiid raisul wasaarihaha xilkii ka dhamaadey ee soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa laga sugayaa inay muqdisho ka yimaadaan waxaa sidoo kale wararka ay heleyso shabakada Puntlandes.com sheegayaan in marxuumka maalinka sabtida lagu aasayo magaalada boosaaso inta ka horeysana lasugayo marti aaskiisa kasoo qayb galaysa.

Hoos ka Daawo Sawirrada.

16684313_1186572391456109_7046163811747642554_n 16708354_1186572771456071_7785601251896601454_n-1 16708432_1186572761456072_8960067867057130829_n 16508741_10154082431110916_7946473158112481115_n 16602837_10154082430715916_1864419991765164370_n 16603134_10154082431070916_7976564594814352327_n 16684313_1186572391456109_7046163811747642554_n 16708290_10154082430605916_217952847608277742_n 16708354_1186572771456071_7785601251896601454_n-1 16708432_1186572761456072_8960067867057130829_n 16711704_10154082430820916_5359041792915758058_n

About The Author