Dhagyaso:-Wasaarada Caafimaadka Dowlada puntland Oo maanta dhakhaatiir caafimaad u dirtay gobolbo ka tirsan puntlnd

Kooxahaan caafimaadka ee ay dirtay wasaarada caafimaadka dowlada Puntland ayaa waxaa ay si siman u tagi doonan dhamaan sagaalka gobol ee dowlada Puntland iyadoo awooda la saari doono gobolada bari ,gardafuu waxaana ay degmo degmo u tagi doonaan dhamaan gobolada ay tagayaan.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka dowlada Puntland C/rasaaq xirsi xasan ayaa sheegey in kooxahan caafimaadku ay ka kooban yihiin dhakhaatiir,kal kaalisooyin iyo umulisooyin waxaana ay maqnaanayaansida uu sheegay ayna  soona shaqaynayaan mudo labaatan cishaa.

Kooxahaan caafimaadka ayaa waxaa ay adeegyo caafimaad usoo fulinayaan dadka laga hayaamay ee wali ku nagi deegaanada abaaraha looga hayaamay waxaa kaloo ay tagi doonaan deegaanada ay dadku isugu tageen una soo guureen waxaana dadkaasi ka faaiidaysan doonaan gar gaarkaan caafimaad.

Hoos ka dhagayso Codka

About The Author