Dhagayso+Sawirro:-Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug Oo Ku Baaqay In Dadka Loosoo Gurmado Eedeyna Ujeediyay Gudiga Gurmadka Heer Puntland

Gudiga gurmadka abaaraha ee gobolka mudug ayaa kulan ay maanta qabteen waxaa ay kaga hadleen xadiga abaarta kajidha ee gobolka mudug oo ah mid kasii daraysa waxaana ay dadka wax ugu baaqeen inay wax la baxaan madama xaalka abaarta uu yahay mid kasii daraysa.

Sheekh mursal shire maxamed oo kamida gudiga gurmadka abaaraha ee gobolka mudug ayaa sheegey in xaalka uu yahay maanta mid adag qof waliba oo dalka ama dibada jirana looga bahan yahay waxa uu haysto inuu wax ka bixiyo isagoona aad uga hadlay fadliga uu lee yahay qofka maanta wax labaxa.

Gorod Faarax cade xoghayaha gudiga gurmadka abaaraha ee gobolka mudug sheegey inay gudiga soo gaadhay $54000 ayna u qaybiyeen lix dagmo oo kamida Gobolka mudug ayna degmada waliba siyeen $8490 iyadoona qaarna biyo loogu dhaamiyay qaarna raashin loogu qaybiyay.

Dhinaca kale mid kamida odaayaasha gudiga gurmadka abaaraha ee gobolka mudug ayaa xusey inaysan jirin wax gurmad ah oo kasoo gaarey gudiga gurmadka abaaraha ee dowlada Puntland iyo hay,ada biyaha iyo tamarta dabiicigaa ee dowlada Puntland ( Baasawayn) oo iyaguna gurmad wada.

Sawirada Hoos ka Eeg

Hoos ka dhagayso Codka Sheekh mursal Shire Maxamed

Hoos ka dhagayso Codka Gorod Gorod Faarax cade

Hoos ka dhagayso Mid kamida Odayaasha Gudiga Gurmadka Abaaraha Ee Gobolka Mudug

1 2 3 4 5 6 7 20170119_101916 20170120_102332 20170120_102335 20170120_102748 20170205_121522

About The Author