Dhagayso:-Wasaarada Deegaanka dowlada Puntland Oo Maanta Garowe Ka Bilowday Mashruuca Dhireynta Caasimada

Wasaarada deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta dowlada Puntland oo kaashanaysa hay,ada Care ayaa maanta caasimada dowlada Puntland waxaa ay ka bilawday mashruuca dhireynta caasimada waxaana dhir gaareysa laba kun oo geed lagu beerayaa xarumaha dowlada iyo jidadka caasimada dowlada Puntland ee Garowe.

Wasiirka deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta dowlada Puntland mudane Cali Cabdulaahi Warsame ayaa beeray geedkii ugu horeeyay oo kamida noqonaya dhirtaan lagu beerayo xarumaha wasaaradaha iyo xafiisyada dowlada iyo dhamaan wadooyinka caasimada si sare loogu qaado muuqaalka caasimada dowlada Puntland.

Fartuun cismaan oo katirsan hay,ada Care ayaa xustay in barnaamijkaan uu qayb ka ahaa deegaanka waa noloshaada oo wasaarada deegaanka iyo Care ay ka wada shaqaynayeen waxaana sidoo kale mashruucaan lagu dhireyn doonaa shan iyo labaatan xarumood iyo wadooyinka caasimada dowlada Puntland  Ujeedka mashruucan ayay ku sheegtay in ladoonayo in dhirta deegaanka lasoo celiyo madama guud ahaan dalka uu xaaluf ka jiro.

Cali Cabdulaahi Warsame wasiirka deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta dowlada Puntland ayaa xusey in mashruucaan uu yahy mid muhiima uuna kamid yahay dhireynta lagu samaynayo dhamaan Puntland balse ay ahmiyad gaara ay siiyeen caasimada dowlada oo ah muraayada dalkeena .

Hoos ka dhagayso

About The Author