Dhagayso:-Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland Oo Garowe ka Daahdurtay Mashruuc Wax Lagu barayo Xirfadlayda Shaqaysa

Mashruucaan oo soconaya mudo saddex sanaa ayaa waxaa wax lagu barayaa xirfadlayda shaqaysa sida kuwa korontada ka shaqeeya iyo dhismaha wadooyinka waxaana sare looga qaadi doonaa aqoontooda mashruucaan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan $3.8 milyan waxaana marka ay wax barashada dhamaystaan lasiin doonaa shahaadada heerka koowaad.

Axmed mire maamule mashruuca iyo axmed shiikh oo ka socday hay,ada Care ayaa waxaa ay sheegen mashruucaan uu isku xiridoono dadkaan latababarayo iyo dowlada waxaana dadkaan ka faaiidaysan doona xarumaha gaarka loo leeyahay waxaana ay rajo ka muujiyeen hirgalinta mashruucaan deegaano badan.

Rajoonka la rajaynayo inay mashruucaan kasoo baxaan ayay masuuliyiintaan ku sheegeen in ladoonayo inay soo baxaan dad xirfadlayaal ah oo aqoon leh kuwaasi aqoon u leh shaqooyinka ay qabtaan  waxaana laxoojinayaa awooda dadka bixinaya shaqooyinkaan.

Hoos ka dhagayso

About The Author