Dhagayso:-Boosaas,Booliska Oo Gacanta Kudhigay Kooxo Furtay Batariyada Soolarka magaalada kuyaala

Ciidamada booliska magaalada boosaaso ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen shan nin oo kuwo kamida kooxaha furta bariyada ay ku shaqeeyaan soolarada cad ceeda ku shaqeeya ee magaalada ku yaala waxana kuwa kalana ay ka iibsadeen kooxaha soo furta batariyada halka wali kooxo kalana lagu dabo jiro.

Cabdli Cali Muuse oo ah taliye kuxigeenka saldhiga bartamaha ee Boosaaso ayaa xusey in dhamaan dabiilayaashaan dambiyada lagu haysto ay tahay mid qiraal ah isagoo tilmaamay inay sugayaan buuxinta galdacwadeedka maxkamada lagu geeyo hadana ay wali baaritaan wadaan.

Cabdli Cali Muuse ayaa waxaa uu sheegey in batariyada ay siisteen $60 isagoo sheegey in ay u sheegeen kooxahaan tuugada inay baahi u gaysay inay batariyadan ka furtaan saddex baale o kamida kuwa cad ceeda ku shaqeeya ee ku yaala wadooyinka magaalada ganacsiga Puntland ee boosaaso.

Hoos ka dhagayso

About The Author