Sawirro:-Boosaaso Waxaa xilkii Lawareegey Agaasimaha Hay,ada Macdanta iyo Badroolka Dowlada Puntland

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa kulan kadhacay xilkii la wareegey agaasimaha cuusb ee hay,ada macdanta iyo badrolka dowlada Puntland mudane  Siciid Faarax Yare oo dhawaan madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali xilkaas u magacaabay.

Kulanka xilwareejinta waxaa joogay  Siciid Faarax Yare agaasimaha cusub ee xilka la wareegey agaasimihii hore hay,ada macdanta iyo badroolka dowlada Puntland  Ciise Dhalo siyaasiyiin xilal horey uga  soo qabtay dowlada Puntland xubno kamida labada gole ee dowlada Puntland iyo maamulka gobolka bari.

Agaasimihii Hore Ee Hay’adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Ciise Dhalo oo ugu horeyn madasha xil wareejinta ka hadlay ayaa xusey inay wax badan qabteen mudada uu shaqaynayay isagoona wareejiyay dhamaan cadaymaha ceelal shidaal oo la qodayo iyo waliba gaari.

Agaasimaha Cusub ee Hay,adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Siciid Faarax Yare ayaa amaanay shaqada muuqata ee uu qabtay agaasimihii hore ee hay,ada macdanta dowlada Puntland wuxuuna sheegey inuu ka rajaynayo la shaqaynta masuuliyiinta cusub maadama uu khibrad u leeyahay shaqada hay,ada.

Gudomiyaha Gobalka Bari Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado iyo Wasiirka Dekadaha Gadiidka Bada Iyo La Dagalanka Burcad Badeeda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa waxa ay dar daaran u jeediyeen mudane Agaasimaha Cusub ee Hay,adda Macdanta Iyo Badroolka Puntland Siciid Faarax waxaana ay sidoo kale masuulkii hore ka codsadeen inuu la shaqeeyo agaasimaha cusub.

Hoos ka Eeg Sawirrada

37 38 39 40 42 43 411

About The Author