Sawirro: Xafiiska Hay’adda Socdaalka oo Garowe laga furay

21 feb 2017 (Puntlandes) Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland waxaa si rasmi ah looga hirgeliyay Xarunta Ugu weyn oo ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia ku yeelan doonta Puntland.

Dhimaha Xarunta oo in mudo ah soo socday ayaa lagu guuleystay galinkii danbe ee shalay in xariga laga jaro, Waana xarun noqonaysa tan ugu weyn oo loo furo shacabka Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Qeybo ka mid ah Gobolada dhexe ka heli karaan Pasport Dalka Somalia.

Dhaqaalaha ku baxay dhismaha Xarunta cusub waxaa bixisay Dowlada Norway oo ay wakiilatay Hay’ada IOM oo iyado gacanta ku haysay dhaqaalaha mudada uu soconayay dhisamaha xarunta Hay’ada Socdaalka ee Puntland.

Madasha lagu daah furayay dhismaha cusub ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Wasiiro,Safiirka Dowlada Norway ee Somalia,Madaxa Hay’ada IOM ee Somalia iyo Wefdi Cadaan ah oo la socday Madaxda Hay’adaha QM.

Sidoo kale Madasha lagu Xariga looga jaray dhismahan cusub ayaa waxaa ku sugnaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia,Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaradda Amniga Dowlada Somalia Maxamed Cali Jaamac iyo Wefdi iyo Wefdi ay hogaaminayeen.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Puntland oo madasha ka hadlay waxay u mahad celiyeen cid kasta oo gacan dheeraad ah ka geysatay sidii uu ku hirgeli lahaa dhismaha cusub ee Xafiska Hay’ada SOcdaalka iyo Jinsiyadda Somalia.

Masuuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Somalia oo iyagu Magaalada Muqdisho uga yimid sidii ay uga qeybgali lahaayeen furitaanka dhismaha cusub ayaa dhankooda Madasha ka hadlay waxayna sheegeen in ay muhiinm u tahay sidii xaruntan oo kale looga hirgelin lahaa dhammaan Xarumaha Maamul goboleedyada Somalia.

Wakiilka Dowlada Norway ee Dalka Somalia ayaa sheegay in tani ay tahay mid la doonayo sidii loo xoojin lahaa xeriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Dowlada Nowway iyo DOwlada Somalia.

Sidoo kale Safiirka Dowlada Norway ee Somalia wuxuu sheegay in Muwaadiin Somaliyed oo heysta dhalashada Dalkaasi ay si xoriyad ah ugu nool yihiin Dalkaasi tanina ay tahay mid lagu adkeynayo xeriirka labada dowladood.

Madaxa Hay’ada IOM ee Somalia aya dhankiisa sheegay in markii la dhagax dhigay xaruntan cusub ilaa iyo dhamaadka furitaanka dhismaha ay il gaar ah ku hayeen sidii uu ku hirgeli lahaa dhismaha oo nociisa yahay mid aad muhiim ugu noqonayo shacabka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camey ayaa ugu dambeyn madasha ka hadlay wuxuuna sheegay inuu aad ugu mahad celinayo dowlada Norway iyo Hay’ada IOM oo gacan libaax leh ka geystay dhismaha cusub.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka wuxuu sheegay in dhismaha Xafiiska Hay’adda Socdaalka ee Puntland uu noqon doono mid dadka oo dhan loogu adeegi doono.

Puntlandes.com

About The Author