Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

23 feb 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre oo Madax ka ahaa Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

234-1b7

Magacaabistan ayaa aheyd mid lama filaan ah, waxaana ay ku soo aaday maalin kaddib markii Madaxweyne Farmaajo la caleema saaray.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale soo noqday La Taliyihii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la sheegaa inuu ka midka ahaa dadka aadka ugu dhowaa Xasan Sheekh isagoo u qaabailsanaa Shirkadii SOMOIL.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka soo jeeda Beesha Murusade/Hawiye, magacaabistan Mr Kheyre ayaa meesha ka saareysa damaca Beelaha Muddulood iyo H/gidir ugu jireen in xilkan loo magacaabo, iyagoo galan-gal badan ka waday magaalada Muqdisho.

Puntlandes.com

 

About The Author