War-saxaafadeed: Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha oo ka hadlay xaaladda Abaarta ka jirta dalka

16 mars 2017 (Puntlandes) Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa war-saxaadadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen Xaaladda Abaaraha ka jira Dalka.

 4

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka.

Xaaladda Abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid  baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee  la soo dhaafay  oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta  hadda ka jirta dalka waxay saamaynta   ugu badan  u geysatay xoolaha,  beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.

Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale la sugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011

  • Waxaa in ka badan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran
  • Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood
  • Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa
  • Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh
  • Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood
  • Waxaa guray wabigii  Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba
  • Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha
  • Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magoolooyinka waawayn
  • Isku celcelis waxaaa kaalmo u baahan in kabadan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed

Natiijada ka dhalatay abaaraha

  • Dhimashada dadka oo bilaabatay cuduro iyo gaajo kadhalatay abaarta darteed
  • Dhimasho  xoolaha ku timid  calaf la’aan iyo  biyo la’aan darteed.
  • Cuduro  ku dhacay xoolaha
  • Barkacayaasha oo ku soo badanayo  Magaalooyink  waa wayn  sida;  Banadir,  Garoowe, Baydhabo,  Kismaayo, Beladwayne, Jowhar, Hargaysa, Cadaado, Gaalkacyo, Beledwayne iyo meela kale oo badan.

 

Puntlandes.com

About The Author