XOG: Golaha Wasiiradda Cusub ee DFS oo laga yaabo inay waayaan Kalsoonida Xildhibaanada

17 marso 2017 (Puntlandes) Kadib markii uu 8dii feb 2017 ku guulaystay doorashadii madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Mamamed Farmaajo uuna 16 cisho ku magacaabay Raysul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan waxaa la filayaa inuu RW Khayre ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiiradda Dawlada Federaalka Soomaaliya.

233-9c1

Madaxweyne Farmaajo wuxuu noqday madaxweynihii ugu  badnaa e helay taagerada shacabka Soomaaliyeed , taasoo muujisay inay shacabka Soomaaliyeed kasoo kabanayaan qabyaaladii ay wax ku qiimayn jireen.

Hase yeeshee waxaa laga yaabaa in shacabku ay la kulmaan niyad jab marka ay arkaan dawlad aan u qalmin mid dhibta shacabka Soomaaliyeed haysata ka saari karta.

Warbaahinta Puntlandes oo u kuurgashay saadaasha jirta, waxna ka waydiisay khuburo dawlada la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo ayaa waxay ogaatay in Golaha Wasiiradda ee lagu dhawaaqi doono ay u badnaan doonaan shaqsiyaadkii kasoo shaqeeyey ololihii doorashada ee madaxweyne Farmaajo guushu ku raacday.

Wasiirada la saadaalinayo ma ahan wasiiro leh miisaankii laga filayey dawlada cusub ee ay shacabka Soomaaliyeed uga fadhiyeen inay usoo celiso dawladnimadoodii ka maqnayd muddada aadka u dheer.

234-2b9

Waxaana la filayaa inuu madaweyne Farmaajo gacan wayn ku yeesho magacaabitaanka Golaha Wasiiradda cusub isagoo doonaya inuu abaalmariyo saaxiibadiisii la soo halgamay, taas oo keeni karta haddii fashil ku yimaado in wax laga saari doono madaxweynaha oo kaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee sida aan kala harka layn u ansixiyey Raysul Wasaaraha ayaa waxaa laga yaabaa inay kalsoonida siin waayaan Golaha Wasiiradda  cusub ee la filayo in dhawaan la magacaabo, haday u arkaan inaysan lahayn miisaankii loo baahnaa.

Puntlandes.com

 

About The Author