BREAKING NEWS: Dawlada Puntland oo soo furatay Markabkii Burcadu Af-duubatay

16 marso 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka ogaatay in Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ay goor dhawayn soo furteen Markab ay Af-duubteen Burcad baddeed Soomaaliyeed ayna ku haysteen Xeebta degmada Caluula.

234-5

Maanta ayey Ciidanka Badda Puntland  waxaa dhex maray Burcadda dagaal kooban, iyadoo ay kadibna Ciidanku ay go’doomiyeen Burcad Baddeeda Af-duubatay Markabka Aris 13.

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay in ay dawladda Puntland gaysay aaga ay Burcaddu ku Haysatay Markabka ee degmada Caluula Ciidamo kale oo dheeraad, iyadoo ay shalay halkaas gaareen Ciidamo badan halkan ka akhriso ama ka dhagayso.

Warbaahinta Puntlandes  ayaa waxay xogta ku heshay in wax yar ka hor ay Burcaddii Markabkii soo Af-duubatay si nabadgelyo ah uga Carareen Markabkii, ayna Dawlada Puntland iminka gacanta ku haysa Markabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo bad qaba.

Markabka Aris 13 ayaa waxa uu u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed waxa uuna ka yimid Dalka Jabuuti isagoo ku socday nagaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay ee ay dawlada Puntland muddo sidaas u kooban uga spoo furato burcad Baddeed Qafaalatay ama af-duubatay Markad xamuul.

Puntlandes.com

About The Author