Dhagayso: Faahfaahin sidee lagu sii daayey Markabkii Burcadda u Af-duubnaa?

17 marso 2017 (Puntlandes) Agaasimaha guud ee ciidanka badda Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo wareysi kula hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay hawlgalka ciidanku kaga soo furteen kooxo burcad badeed ah markabkii lagu haystey deegaano ka tirsan xeebta Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Xaaji Xasan in lagu guulaystey soo furashada markabka ka dib hawlgal aan dhiig ku daadan, wuxuuna sheegay inay kaga degeen kooxdii Afduubatay markabka muddo saacado ah oo ay u qabteen Odoyaasha deegaanka iyo dowlada Puntland inay si nabadgalyo ah ugaga degaan Markabka dushiisa.
234-5a

Waxa uu intaas ku darey Agaasimaha guud ee ciidanka badda Puntland inuu hadda ku wajahan yahay Markabku dekeda magaalada Bosaso oo qorshuhu yahay in loogu sameeyo xaflad balaaran oo ay kazoo qeyb gali doonaan wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Markabka ayaa waxa uu u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed isagoo siday Shidaal kana yimid Dalka Jabuuti kuna socday nagaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay ee ay dawlada Puntland muddo sidaas u kooban uga spoo furato burcad Baddeed Qafaalatay ama af-duubatay Markad xamuul.

Dhagayso Waraysiga uu Agaasime Cabdiraxmaan siiyey P Post

Puntlandes.com

About The Author