Dhagayso-Xog: Garoonka & wada ma dhisayso Ethiopia ee waxaa dhisaysa Shirkad Chinese ah

23 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay ka warbixiyey guulo lixaadle oo uu ka soo gaaray safarkisii uu dalka Ethiopia ku tagay, ayaa sheegay wadahadal ay ku yeesheen Dalka Itoobiya in ay ka guulo ka gaareen dhawaana laga bilaabayo Puntland laba mashruuc oo mihiima kuwaas oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyo degmada Eyl.

4

Madaxweyne Dr Gaas ayaa yiri isagoo ka hadlaya Mashaariicdan “…waxaana shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah la bilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl  waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba”

Halkan ka dhagayso oo ka bilow 0:40 seken


Baraha Bulshada ayaa ilaa shalay waxaa la isla dhex wareegayey in uu madaxweyne Dr Gaas yiri dawladda Ethiopia ayaa Puntland u dhisaysa Garoonka Gaalkacyo iyo wadad Garowe iyo Eyl, taasoo aan ahayn mid sax ah ee ah marin habaabin.

Warbaahinta Puntlandes oo baaritaan ku samaysay ayaa ogaatay inuu ku jiray qalad qoraal ah, warkii qoraalka ahaa ee ay qaybtaWarfaafinta ee madaxtooyadu saxaafadda u dirtay shalay, laakiin waxaanu Akhristayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland ba u cadaynaynaa in ay san dawladda Ethiopia dhisayn Garoonka Gaalkacyo iyo wadada Garowe iyo Eyl ee ay dhisayso Shirkad Shiinays ah.

Warbaahinta Puntlandes oo aad uga barateen xogta dhabta ah ayaa 20 marso 2017 daabacday XOG ku saabsan dhismaha Garoonka Gaalkacyo oo uu saxiixay madaxweynaha dawaladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, hoos ka akhriso XOGTA:

XOG: Puntlandes.com oo heshay Xog ku saabsan dhismaha Goroonka Diyaaradaha Gaalkayo

Xogtaas ay Puntlandes.com la wadaagtay akhristayaasheeda ayuu madaxweynuhu ka warbixiyey ee ma oron dowladda Ethiopia ayaa u dhisaysa Puntland.

Puntlandes.com

About The Author