Sawirro: Ciidamada dowladda Puntland oo mar kale Bosaso gacanta ku dhigay gaari qaraxyo halis ah siday & raggii watay

31 May 2017 (Puntlandes) Ciidamada dawladda Puntland ee amaanka magaalada Bosaso sugaya ayaa markale gacanta ku dhigay Gaari candho-maydle ay Soomaalidu u taqaan oo siday qudaar islamrkaana lagu soo dhex qariyey walxa abuura Qaraxyo waaweyn iyo laba nin oo watay qaraxyadaad.

Waxayaalaha ay Viidanku qabateen ayaa kala ahaa 6 sanduukh oo waawayn oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qabantay oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha sarana laga saaray bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho, isgaarsiin casri oo noocaya ay ciidamadu isticmaalaan ah iyo waxyaalo kale.

Gaariga waday Qaraxyadaan ayaa waxaa lagu qabtay kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso.

Daawo sawirada

18839159_1359510944133443_3172617359634736444_n-1 18765767_1359510737466797_8164794992984158266_n-1 18813337_1359510917466779_5200461417211050809_n 18740386_1359510797466791_7776129856736482142_n 18765699_1359510857466785_3020681728377811585_n-1

Puntlandes.com

About The Author