Sawirro: RW Khayre oo la kulmay saraakiisha ciidamada Booliska

31 May 2017 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre, ayaa la kulamy saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kadib markii uu booqday xaruntooda.

Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayay booqashada uu ku tagay xarunta ciidamada booliska, waxaana kamid ahaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xarunta ciidamada booliska kula kulmay saraakiisha ciidamada booliska, waxaana kamid ahaa taliyaha ciidamada booliska Generaal C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Khayre ayaa sheegay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Booliska Soomaaliyeed uuna ka hawlgali jiray Saldhiga Degmada Hodan, isaga oo sheegay Booliska inuu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Xasan Cali Khayre ayaa ciidamo ka tirsan Booliska waxa ay u soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo salaan sharaf ay ku siiyeen xarunta Taliska ciidamada Booliska Somaliya.
Khayre-4

Khayre-8

Khayre-9
IMG_20170531_152801IMG_20170531_152751

Khayre-3

Khayre-5
Puntlandes.com

About The Author