Dhagayso: Madaxweynaha KGS oo xilka laga qaadayo markii lagu guuldaraystay xilka qaadistii Madaxweyne Xaaf

01 Nov 2017 (Puntlandes) Ku dhowaad 50 mudane oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Shariif Xassan Sheekh Aaden.

10

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyey madaxweyne Shariif ayaa waxaa gadaal ka riixaya oo dhaqaale fara badan ku bixinaya Raysul wasaare Khayre, Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yasin iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir Taabit.

Fahad Yasin ayaa horay ugu fashilmay isku daygii uu xilka uga qaadi lahaa madaxweynaha Galmudug Xaaf, isagoo hada u jeestay dhanka madaxweynha KGS Shariif Xasan.

Dhagayso warbin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author