Dhagayso: Xildhibaan Daqare “Madaxweynaha siyaasada dalka waa hoggaamin waayay ee ha is casilo”

01 Nov 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka.

12

Xildhibaanka oo ka hadlayay xaalada amni ee dalka iyo dhibaatooyinkii bishii Oktober ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu sheegay in fashilka amni ee ka jira dalka ay gundhig u tahay siyaasadda dalka ragga hoggaaminaya inay fashilmeen.

Waxaa uu sheegay in aan Taliyeyaal Boolis iyo Nabadsugid oo la eryo, aanay ku filneyn, isagoo xusay in carqalada meesha ay ka jirto ay tahay buurta ragga fadhiya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa codsanayaa Madaxweynaha siyaasadda dalka waa hoggaamin waayo ha is casilo”ayuu yiri Xildhibaan Daqare oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka, kana soo jeeda Gobolka Gedo.

Dhagayso Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare


Puntlandes.com

About The Author