Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

18

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay si kumeel gaar ah Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka degmada Bursaalax.

 

Madaxwaynaha Dawladda Puntland.

 

Markuu Arkay:                     Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyay:             Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo.

 

Wuxuu Xeeriyay:

 

1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax.

 

2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay 
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax.

 

3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna 
Saxiixay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

About The Author