Sawirro: Taliyahii hore ee Booliska oo maanta Xilka ku warreejiyey Taliye ku xiggeenka Ciidankaasi

02 Nov 2017 (Puntlandes) Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Janaraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad xilka taliyenimo ee Booliska kula wareegayo S/guud Mukhtaar Xuseen Afrax oo hore u ahaa Taliye ku Xiggeenka Ciidankaasi, waxaana uu xilka si ku meel gaar ah uu  kala wareegay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen Saacid oo dhowaan Golaha Wasiiradda XFS ay xilka ka qaadeen.

Taliyahii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen C/Xakiin Saciid Saacid oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Gen Muqtaar uu yahay howl kar kasoo bixi kara Shaqada Booliska, islamarkaana muddo badan uu  ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax, ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa u mahad celiyey Taliyahii hore ee Ciidanka, isagoo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka codsaday in la garab istaago.
14

14a

14a1

14a2

14a3
Puntlandes.com

About The Author