Daawo oo wax ka ogow Dekadda Dabiiciga ah ee Garacad oo dhawaan la Maalgashanayo

Waxaa meel gabo gabo ah maraya mashruuc ay wateen ganacsato reer Puntland ah oo doonaya in ay dhisaan dekadda Garacad.

Namnlös

Sideedaba marka badda laga hadlayo, doonta ama markabka culayska saaran inta uu dusha kor uga baxsanyahay ayuu hoosna biyaha u aadaa.
Qarka dabiicaigaa ee dakadda garacad ayaa la sheegay in uu hoos u qodanyahay 11– illaa 19 mitir oo hadeer baaba markab kusoo xirran karaa.

Waana sababtaas sababta dekadaha aduunka ay kharashaad farabadan ugu baxaan marka la dhisayo, oo meesha markabku kusoo xiranayo waa in hoos wax-baddan loo qodo, ama inta biyaha ciid laga buuxsho markaas meel mool ah carro tuurkaas lageeyaa, si oo meel markab kusoo xirran karo lowgu dhiso dekadda.

laakiin sida sawirka kore ku cad Garacad waxaa ku yaal dhul dabiiciya oo xeebta saaran dabadeedna illaa meel mool laga gaarayo qaab dabiiciya illaahay ugu dhisay.

Waxaana baaritaan (sarvay) ku samaysay shirkad Chinese ah, oo ay keensadeen ganacsato dadka deegaanka ah, xukuumadda Puntland-na dusha ka eegaysay.
Waxayna shirkaddaas ballanqaaday in ay dhisayso dekadda sida ugu dhaqsaha badan maadaama aan loo baahnayn lacag saas u badan kaliya xooggaa naashnaashida.

Daawo oo wax ka ogow Dekad Dabiici ah ee Garacad oo dhawaan la Maalgashanayo

Xigasho: http://www.puntlandobserver.com/warbixin-garacad-oo-leh-dekad-dabiiciya-oo-aan-u-baahnayn-kharash-farabadan-in-lagu-dhiso-iyo-shirkad-chinese-ah-oo-maalgashanaysa/

About The Author