Dhagayso: Xildhibaano kulan xasaasi ah ka yeeshay Fulinta Xukunkii Dilka ahaa ee Askarigii dilay Wasiir Cabaas

25 Nov 2017 (Puntlandes) Waxaan weli la fulin dilkii lagu xukumayey Askarigii dilay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayey arrintaas.
23a

Kulankaan ayaa ahaa mid lagu dalbanayey in tiirka lasoo taago gacanku dhiigle Caydiid oo ahaa askarigii dilay Wasiir Siraaji ayaa waxaa yeeshey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga  soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankaas ayaa si weyn waxaa diiradda loogu saaray kiiska Wasiir Cabaas Siraaji oo noqday mid qaatay waqti dheer isla markaasna ay hareeyeen buuq iyo dacwo ka socoto shakhsiyaad ay isku heeb yihiin Askariga dilka geystay, Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibanada Aqalka Sare ayaa kulanka kadib waxa uu Radio Dalsan uga warbixiyay qodobadii ay isla soo qaadeen iyo wixii ka soo baxay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadalad loo helo, Wax uu sheegay in arrintaan ay hakad gashay, isla markaana laga joogo mudo 7 Bilood ah xukunkii lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabaas iyo waxa loo fulin la’yahay.

Xildhbaanka ayaa kusii daray in fulinta xukunkaan uu u xayiran yahay Madaweyne Farmaajo oo leh saxiixaha ugu dambeeyo ee fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda, ayna dhawaan la kulmi doonaan Madaxweynaha isla markana ay kala hadli doonaan sababta loo fulin la’yahay Xukunka lagu riday Askarigii dilay Cabaas Siraaji .

Dhageyso wareysiga


Puntlandes.com

About The Author