Sawirro: Xildhibaan Shiike oo ka qayb galay Shirka Horumarinta Beeraha iyo Beeraleeyda Africa

29 Nov 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax Bootaan (Shiike) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dawladda Puntland ayaa ka qayb galay Shir aad muhiim u ah oo looga hadlayey Horumarinta Beeraha iyo Beeraleeyda Africa.

Shirkaasi oo ka dhacay House of Commons Britain, waxaana luga lafo guray Baahida Sub -Sahara African Nations & dhibaatada keenta abaaraha, Gaajada & Macaluusha soo noq noqda, waxaana shir gudoominayey madaxa Hay’adda FAO.

Shirka ayaa waxaHay’addihii  kasoo qayb galay ka mid ahaa madaxa Hay’adda FAO Dr Joe Da Silva, UK International development department, Lord_ Cameron _ of dillington iyo prof_ Gordon Conway _ International_Development.

Shirka waxa lagu casuumay oo Soomaaliya u matalayey Xildhibaan Shiike iyo Dr Warsame Osman Salah oo ka mid ah Qorbejoogta UK ee reer Puntland isla markaasna sabab u ahaa inay Puntalnd ka qayb gasho shirkaas muhiimada wayn u lahaa Puntland iyo guud ahaan Soomaliaya , wuxuuna Xildhibaanku kusoo bandhigay baahiyaha xagga Beeraha ee ka jira Puntland iyo arimo kale oo aad muhiim u ah.

Xildhibaanka oo Shirar gaar gaar ah la qaatay Madaxdii kasoo qayb gashay shirka ayaa Madaxda FAO ku boorriyay inay Puntland yimaadaan, si ay u arkaan una  dhiirigaliyaan Beeralayda & kalluumaysatada reer Puntland, iyagoo madaxda FAO ay ka ballan qaadeen inay imanayaan doonaan.

Daawo sawirrada
1

1a

1a1

1a2

1a3

1a4

1a5

2c

4

4a

5

6
Puntlandes.com

About The Author