Dhagayso: Xildhibaan Shuuriye “Waxaa u arkaa tallaabadan inay tahay daan-daansi lagas Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha”

17 Dec  2017 (Puntlandes) Xildhibaan C/saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ahaa laba xildhibaan oo uu Xeer-ilaaliyaha Qaranku sheegay inay dambi Qaran galeen, isla markaana codsaday in xasaanadda laga qaado si sharciga loola tiigsado ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

16

Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa hadalka Dr. Axmed Cali Daahir ku tilmaamay mid aan raad iyo wax loo cuskado aanay lahayn.

“Eedeynta la ii soo jeediyay waa mid aan sal iyo raad midna lahayn. Waayo wuxuu yiri waan baaray xildhibanka, marka anigoo dalka ka maqan in baaris la igu sameeyay ma ahan wax dhici kara, taas ayaana caddeyn u ah inaysan jirin eedeynta uu sheegay,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay hadalka Xeer-iaaliyaha Guud ee Qaranka mid daan-daansi ah, isla markaana laga soo abaabulay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wsaaaraha Somalia oo uu sheegay in maalmahan ay wadeen isku dayo lagu caburinayo xildhibaanada Qaran, looguna gafayo magacooda.

“Waxaa u arkaa tallaabadan inay tahay daan-daansi lagas Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka laga soo abaabulay, maalmahanna waa la socoteen marna ruwaayadaha beenta ah ee la waday, marna culummada, marna baraha bulshada lacag fara badan lagu bixinayay oo aheyd hantidii qaranka in xildhibaanada lagu caayo, tanna waa wax aan sugeyn, wax bilow ah ma ahan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in xeer-ilaaliyaha haddii uu wax ka hadlayo ay aheyd inuu ka hadlo arrinta Qalbi Dhagax oo uu xusay in aheyd qodob dastuur ah oo la jebiyay.

“Xildhibaannada waxaan ugu baaqayaa inaysan ahayn wax shaqsi ama ruux ku saabsan ee waxa lagu xad-gubayo ay tahay sharafkooda iyo karaamadooda, inay hurdada ka kacaan oo la ixsaabtanka inta garatay Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay la xisaabtamaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyay xildhibanka.

Ugu dambeyn, Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shi rjaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay Muqdisho Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku soo oogay fal dambiyeed ku aadan in isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin dowlad dumis, isla markaana dal shisheeye ay lacag ka soo qaateen.

Dhagayso waraysi la yeeshay Xildhibaan C/saabir Nuur Shuuriye


Puntlandes.com

About The Author