Sawirro: Shir looga hadlayey Sharciga Abuurka Beeraha oo la soo gabagabeeyay

?

20 Dec  2017 (Puntlandes) Shir looga hadlayey qaabka loo sameyn karo Sharciga Abuurka Beeraha ee Soomaaliya oo Seddexdii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa la soo Xiray.

Shirkan oo looga hadlayey sida loo sameyn karo Hindiso Sharciyeedka Abuurka Beeraha ee Soomaaliya ayaa intii uu socday ka qeybgalayaashu ka doodayeen qaabka uu Sharcigan u noqon karo mid dhankasta ka dhameystiran ka hor inta aanan la horgeyn Golaha Wasiirradda ee Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka socday Dowlad Goboleedyada Dalka, Qubaro dhanka Beeraha ah, Hey’ado ka shaqeeya Horumarinta Beeraha iyo Marti Sharaf kale.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Maalmihii la soo la soo qabtay Shaqo badan.
“Waxaan rabnaa in sharcigan la horgeeyo Golah Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya maxaa yeelay waa mid aan si weyn ugu baahanahay” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha.
Xogayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cali Ismaaciil ayaa tilmaamay in ka qeyb galayaashu wax badan oo khalaad ah ay ka saareen Sharciga Abuurka Beeraha.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xaamud Cali Xasan oo sidoo kale ah ku simaha Wasiirka Wasaaradda oo soo xiray Shirka ayaa uga mahadceliyay dhamaan dadka xilka gaarka ah iska saaray in la dhameystiro Hindise Sharciyeedka Abuurka
“Runtii waxaad qabateen Shaqo badan taas oo aheyd in dhowr bilood lagu qabto, Waxaa kale oo dhankeena ku dadaali doonaa sidii aan u dhameystiri laheyn” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xaamud Cali Xasan .
Dhameystirka sharcigan waxaa wasaaradda Beeraha ka taageeray Mashruuc ka shaqeeya Arrimaha horumarinta Beeraha iyo wax soo saarka Badda kaas oo lagu Magacaabo Mashruuca Gale.

?
?
?
?
?
?
?
?

Puntlandes.com

About The Author