Daawo Xildhibaan Saleeban oo Baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku Dagaalamahay koonfurta Gobolka Sool

24  Dec  2017 (Puntlandes) Xildhibaan Saleeban Maxamud Xaashi oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka JFS ayaa Baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku Dagaalamay Hawdka Nugaal iyo Sool, gaar ahaan agagaarka deegaanka Qorileey.

31b

Beelahan walaalaha ah ayaa shalay waxaa dhex martay dagaal keenay dhimasho iyo dhaawac.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dagaalku u dhexeeyo inay dagaalka ku badelaan wada hadal iyo gole fariisi, isagoo ku adkeeyey in Colaada xal waraa laga gaaro, is fahana lagu soo dabaalo.

Xildhibaan Saleebaan ayaa yiri ”Dad maanta gacantoodu isqabato maaha, waana kasoo horjeedaa waana cambaaraynayaa in dadkaas la isku diro…waxaaan ku boorinayaa in cid walba oo wax ka qaban karta arintaa ay u istaagto”

Puntlandes.com

About The Author