Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee (Qeybtii Labaad)

24  Dec  2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa qormadoo 2aad ee Taliye Jeeniqaar uu si qoto dheer ugu iftiiminayo xaalada magaalada Gaalkacyo, hoos ka akhriso qaybta labaad.

30a5

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee (Qeybtii Labaad)

Markii uu yimid saxiibkay asaga oo qeylinaya oo caraysan waxa uu hadal iiga bilaabay: “war maxaa soo doontay ka tag meesha oo dhaqaaq wax ma ogide”.

Si deggan ayaan u dajiyey ulana hadlay, illaa aan ku qanciyey in uu isoo raaco oo aan dhanka kale soo aadno. Waxa aan tagnay gurigayga oo aan ku sheekaysannay, waxa uuna iiga warramay wax badan oo magaalada ku saabsan.

Wuxuu ii sheegay in aan magaaladan la isu gudbin oo ay adag tahay in qof dhanka Puntland joogaa uu dhanka kale ee Galmudug aado; ama in uu mid dhanka Galmudug joogaa dhanka Puntland yimaado.

Aad iyo aad baan uga murugooday ugana xanuunsaday gobolkaygii oo aan qof ka xanuunsada dhanka Galmudug ama Puntland dhakhtarkii daawayn lahaana joogo labada dhinac midkood bukaankiisiina soo gaari karin markuu ii warbixiyey saaxiibkay.

Subixii ayaan magaalada soo aaday waxa aanna la kulmay duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka dhanka Puntland waxa aanna kala hadlay soo dhawaynta iyo u diyaargarowga Taliyaha.Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) oo kasoo safridoona Taliska Qaybta 54aad Garoowe caasimada Puntland dhamaantood way aqbaleen soo dhawaynta taliyaha ciidanka.
Isla Galabtii ayaa taleefoon iisoo dhacay. Waaba taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga Dalka somaliyeed oo kasoo safray Cadaado. Waxa uuna ii sheegay in ay wafti badan yihiin.

Waftigaas waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug, sidoo kale na, waxaa wehilyey ciidammo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Somaliyeed gaar ahaan qaybta 21aad Taliyuhu waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay la kulanka Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed taliye Gorod.

Waxaan u sheegay in aan diyaar nahay aanna soo dhawayn doonno taliyaha cid kastana ka qeybqaadan karto. Sidoo kale na, waxa aan taliyihii qaybta 22-aad u sheegay in aan laftirkooda soo dhawayn doonno oo ka hor imaan doonno maaddaama ay lug soo yihiin kana soo socdaan dhanka koonfureed ee waddada Cadaado iyo Gaalkacyo isku xirta

Waxa aan xogtii la wadaagay duqa Degmada oo aan wada socnnay, Maxamud Yasiin Tumey waxa aanna ka codsaday in uu ila soo dhaweeyo waftiga madaxweyne Xaaf iyo ciidanka qaybta 21aad ee Xoogga dalka Soomaliyeed ee magaalada soo galaya.

Waxa uu i weyddiiyey meesha ay Marayaan? Waxa aan u sheegay waddadii saxda ahayd ee ahayd laamiga dheer. Waxaa uu iigu jawaabay: “laamigaas waa hore ayuu xirmay, oo lama maro, waxaana saameeyey dagaalladii magaalada ka dhacay, ee ninyohow raggaasi marka ay magaalada yimaadaan aan sugno”. Waa yaab kale oo aan arkay! Laamigii baaba xiran kolkii aan maqlay!!

Waa ay yimaadeen habeenkiina dhinaca Galmudug ayay seexdeen.. Subixii xilli hore ayey ila soo hadleen Ciidankii Xoogga ee dhanka Galmudug joogay waxa ayna ii sheegeen in ay diyaar yihiin.

Waa subaxa uu taliye Gorod magaalada imaan doono. Waxa uu i weyddiiyeen taliyaha qaybta 21aad si aan wax khilaaf ah u dhicin meesha ay soo maraan marka ay dhanka Puntland usoo socdaan. Anna waxa aan ugu jawaabay: “Suuqa soo dhexmara”.
Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Yasiin Tumey iyo taliyaha qaybta Booliska iyo Gudoomiyaha Gobolka Dhanka Puntland Xasan Maxamed Khaliif Abgaaloow oo ila joogay waa ay soo boodeen oo yiraahdeen: “war suuq leyne halkaas ciidan ma soo mari karee ee, ragga dhanka Garoonka diyaaraha dhankiisa imaada dheh.

Halkaas ayaan ugu tagaynaaye”. Sidii ayaan yeelnay iyana yeeleen. Waxa ay yimaadeen meel markii madaxdu kulmayaan isagu gudbaan oo garoonka u dhow. Waxaaan ugu tagnay halkaas waftigii uu hogaaminayey Gen Cirro taliyaha qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka somaliyeed Baabuurta ay wataan waxa ay ahaayeen qiyaastii 11 gaari oo lix ka mid ahi waa ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed inta kale na, wafti yihiin.

Salaan ka dib markii aan dhaqaaqi lahayn oo aan is raaci lahayn ayaa waxaa hadlay ninkii noogu weynaa oo yiri: ” ciidankani uma gudbayaan dhanka kale ee Puntland, meeshooda ha ka laabteen waftiguna ha na raaceen”.

Talo faro waa ka haadday, waa go’aan kale oo saameyntiisa leh…

Maxaa xigay? La soco qeybta Saddexaad IA.

Halkan ka akhriso qormadii koowaad: Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheer baa Dadka Ugu Ayaan Daran, Waxaan lala arkayn Baa isaga u muuqdee! (Qeybtii Koowaad)

304
W/Q: Taliye Jeeniqaar.

About The Author