Akhriso Xisbiyo & madal ay ku mideysan yihiin Xildhibaano oo digniin u diray madaxda dowladda

26  Dec  2017 (Puntlandes) Xisbiyada Wadajir, Daljir, Kulan iyo Madasha Horusocod ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ugu hadlayaan xaalada dalka, kaddib markii ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xubnahan ayaa ka hadlay weerarkii dhowaan Ciidamada Ammaanka ku qaadeen xarunta Xisbiga Wadajir ee uu deganaa C/raxmaan C/shakuur, ku xadgudubka lagu haayo sharafta iyo Kaaramada Xildhibaanada Qaran.

Waxaa ay uga digeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay u adeegsadaan Ciidamada qalabka sida argagax gelinta iyo dilka siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Sidoo kale waxaa ay ka digeen in Culimada iyo hey’adaha garsoorka loo adeegsado arrimaha siyaasadda.

Akhriso War saxaafadeedka

17

18

Puntlandes.com

About The Author