Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Ugu Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee! (Qeybtii Saddexaad)

25 Dec  2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa qormadii 3aad ee Taliye Jeeniqaar uu si qoto dheer ugu iftiiminayo xaalada magaalada Gaalkacyo, hoos ka akhriso qaybta sadexaad.

30a5

Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Ugu Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee! (Qeybtii Saddexaad)

Muran dheer ka dib waxa aan ku guulaysannay in aan si rasmi ah isu raacno anaga iyo ciidankii qaybta 21aad ee Xoogga dalka. Soomaliyeed Waxaana annagoo isku duuban soo dhawaynnay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed.

Waxaan nimid huteel Sugulle oo aan kula kulannay waxgaradka iyo odayaasha dhanka Puntland. Wada hadal dheer ka dib waxa aan isla qaadannay in laga wada shaqeeyo nabadda Gaalkacyo.

Galabtii ayaanu soo aadnay dhanka Galmudug si aan ula kulanno Madaxweyne Xaaf. Mar aan jidka marayo ayaa waxaa isoo wacay sarkaalka lagu magacaabo Said Sheikh Hassan oo taliyaha lasaaranaa gaariga waxaa uu ii sheegay in aan sugo duqa Gaalkacyo ee Puntland oo Garoonka Diyaaraha ka soo socda aanna ka soo gudubno aagga garoonka oo ah meeshii aan saaka ku kulannay.

Markii aan meeshii gaarney ayaan istaagnay aniga oo ay ila socdaan labo gaari oo qaybta 21aad iyo 54aad ah ee ciidanka xoogga dalka somaliyeed iyo gaari laanguruusal ah.

Markii aan muddo taagnayn ayaa waxaa agtayada soo istaagay labo gaari oo uu la socdo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug. Nalama ay hadlin annaguna sidoo kale maaddaama aannaan is aqoon. Cabbaar ka dib ayaa dhanka Puntland waxaa ka yimid labo gaari oo kale.

Agtayada ayey soo istaageen waxa aanna moodnay duqii degmada Gaalkacyo oo aan sugaynay. Mase noqon! Waxaa la socday labada gaari ciidan Police ka Puntland ah iyo masuuliyiin kale.

Waxaaba ka soo dagay annagoo arkayna labo qof oo caddaan ah. Waxaa ay u lugeeyaan dhankii ay taagnaayeen labada gaari ee uu watey gudomiyaha gobolka mudug dhanka Galmudug qiyaastii waxay lugeeyeen 40 mitir waxaa ayna gaareen labadii gaari ee dhanka Galmudug yaagnaa wayna salaameen dadkii saarnaa waana is raaceen.

Bal u fiirso halkaas dadkii Soomaaliyeed ee gobolka u dhashay isuma gudbi karaan mana isa salaami karaan 40 mitir ee ay ku lugaynayaan labada cadaankaa midkoodna uma soo dhaafi karo ka kale labada dhinac ma kulmin oo xataa isma salaamin ayaga oo isu jeeda.

Maalintaa anaa goobjoog ka ahaa dhacdada xun ee kajirtey meeshaas
Labada caddaankaa labada dhan waa la kulmeen kuna faraxsanaayeen. Kolkii aan ogaaday in muhiimaddu ahayd in Labadaas qof lala kala wareego oo kali ah aad baan u murugooday oo u xanaaqay. Ka dib maxaa xigay? La soco qeybta Afraad IA.

Halkan ka akhriso qormadii koowaad:

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheer baa Dadka Ugu Ayaan Daran, Waxaan lala arkayn Baa isaga u muuqdee! (Qeybtii Koowaad)

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee (Qeybtii Labaad)

304
W/Q: Taliye Jeeniqaar.

About The Author