Sawirro: Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo la Ansixiyay

27  Dec  2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi waare.

Golaha wasiiradda uu Madaxweyne Waare u soo gudbiyay Baarlamaanka si kalsoonida u siiyaan ayaa waxaa aqbalay 77-Xildhibaan halka ay kasoo horjeesteen 2-Xildhibaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Xildhibaanada Hirshabeelle ansixinta ka dib ayaa kaga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen wasiiradda Hirshabeelle, isagoona sheegay in Golaha Wasiiradda looga baahan yahay inay la yimaadaan qorsheyaal wanaagsan iyo shaqo adag oo lagu hormarinayo deegaanada Maamulkaasi.

Ansixintan ayaa ka dambeysay ka dib dadaalo uu Maalmihii ugu dambeeyay waday Madaxweyaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, isagoona Xildhibaanada ku qanciyay Muhiimada ay leedahay in xiligan la ansixiyo Golaha wasiirada si loo sii dardar galiyo howlo badan oo horyaala Maamulka Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa ka kooban 57 xubnood,kuwaasi oo kala ah 20 Wasiir,20 Wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru Dowle.

26

26a

26a1

26a2

26a3

26a4

 

26a6
Puntlandes.com

About The Author