Madaxweyne Farmaajo oo Cambaareeyey weerarkii lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Qeybdiid

30  Dec  2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Qeybdiid, isagoo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka amray in la baaro cidii falkaasi ka dambeysay.

23

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu cambaareynayo in la weeraro hoyga Muqdisho uu ka daganyahay Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan deg-deg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid, waxuuna uu intaasi ku daray in cidii ka dambeysay weerarkaasi sharciga lala tiigsan doono.

Puntlandes.com

About The Author