Daawo sawirrda wasiirka iskaashiga & xirirka caalamiga dowlada federaalka Soomaliya & wefti uu hogaaminaayo oo Garowe lagu soo dhaweeyey

31  Dec  2017 (Puntlandes) Waxaa maanta si diiran loo soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee KMG ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Wasiirka Qorshaynta, Iskaashiga iyo xirirka caalamiga dowlada Faderaalka Soomaliya Am Jamaal maxamed Xasan iyo wefti uu hogaaminaayo.

Wafttigaan oo ka soo kicitimay magaalada Mogdisho ayaa salaan la dhexmaray masuuliyintii isugu jiray wasiiro xildhibaano isimo nabadoono aqoonyahano haween oo si diran u soo dhaweeyey Garoonka wasiirka.

Waxaana saxaafada la hadlay wasiirka Qorsheynta iyo xirirka caalamiga dawlada Puntland Shire Xaaji Faarax isagoo ku soo dhaweeyey hadalka wasiirka qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ugu horayn ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, wuxuuna  xusay in maalmo joogi doonaa Puntland lana kulmi doonaa bulshada iyo masuuliyinta dawladda Puntland.

Daawo sawirrda

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Puntlandes.com

About The Author