Faahfaahin: RW Cabdiwali oo kalsoonida lagala noqday

Waxaa kalsoonida ay Xildhibaanada Baarlamaanka kala noqdeen Xukuumada Soomaaliya, waxaana Kulanka Baarlamaanka fadhiyay Xildhibaano gaaraya 235-Xildhibaan.
803
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Codeynta kadib shaaciyay natiijada kasoo baxday codkii loo qaaday Mooshinkii laga soo gudbiyay Xukuumada Soomaaliya.
Prof Jawaari ayaa sheegay in ay Mooshinka kalsooni kala noqoshada ogolaaeen Xildhibaano gaaraya 153-Xildhibaan, waxaana diiday Mooshin 80-Xildhibaan halka 2-Xildhibaanada ay ka aamustay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna Xildhibaanada uga mahad celiyay sida quruxda badan ay hooshooda u guteen.
Faahfaahin kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author