Sifooyinka madaxweyne Dr Gaas waa noocee?

Warbaahin madaxabanaan ee Puntlandes.com waxay idiin soo gudbinaysaa sifooyinka uu ku sifoobay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas

Hogaamiye aan Ehel u ahayn Cadaalad in uu ku maaamulo Puntland

Madaxweyne Dr Gaas wuxuu baalmaray in uu ku maaamulo Puntland Cadaalad, taasoo ahayd waxyaaalihii uu ku yimid Kursiga Madaxtinimada Puntland bilawgii sanadka 2014. Wuxuu awoodii dalka ku naasnuujiyaa koox gaar ah oo aan ehel u ahayn dawladnimada iyo dawladwanaaga Puntland. Isagoo meeshii ay soo arkoodaan uu u magacaabo ama u sharciyeeyo. Waxaa kaloo lagu doortay in uu isku keenayo Ummdda reer Puntland laakiin waxaa cadaatay in uu kala fogaynayo uuna dabka isugu dhiibayo Tusaale cadna waxaa ah waxa uu ka wado Gobolka Mudug oo uu ka soo jeedo. Shacabka walaalaha ah ee reer Mudug waa isaga dhawaayeen inta ay hada isku jiraan intuusan Madaxtinimada Puntland Dr Gaas imaan.

 

Aqoontii iyo xirfadii hogaamiyanimo ee lagu doortay Dr Gaas

Aqoontii iyo xirfadii hogaamiyanimo ee lagu doortay Dr Gaas waxay noqoqotay Hal Bacaad lagu lisay. Wuxuu soo dhawaystaa, Albaabkiisuna u Furan yahay Ruuxii Sacab, Amaan iyo Guulawayn isugu dara. Bal eeg Agaasime Guud oo u Heesaya kuna amaanaya Heeso. Wuxuuna Xilka ku yimid Durbaankaas iyo Amaantaas ee kuma imaan Aqoon iyo Shaqo uu u qabanayo reer Puntland.

Dr Gaas waxa uu ku kacayo waa wax uusan ku kici jirin Diktaytarkii waynaa ee Siyaad Bare. Xukuumada Dr Gaas Hogaamiyana uma furna Ablaabkeedu Qofkii wax isku falaya oon rabin in uu Durbaan iyo sacab Garaaco laakiin dalka iyo dadka wax wayn u qaban lahaa.

Ma doonayo in la magacaabo dawladihii isaga ka horeeyey iyo waxqabadkoodii. Wuxuuna doonayaa Dr Gaas in la dhaho adigaa yeelay, adigaa sameeyey iyo yaa kale oo wax qaban kara oo aan adiga ahan IWM.

 

Aaminimo iyo dhowrida hantida ummadda

Aaminimo iyo dhowrida hantida ummadda uma aha Dr Gaas Ehel waxaana socda Boob hantiyeen oo aan loo meel deyin iyadoo ay Koox gooniyihi ka Coodanayaan Hantidii Ummadda ka dhaxaysay. Dakhliga dawlada Puntland aad iyo aad baa loo kordhiyey mudadii la soo dhaafay hadana lama hayo meel ay marto iyo qof qaata. Ciidamadii iyo Shaqaalihii dawlada dawlada ma helin Mushahaarooyinkoodii mudo afar bilood ah. Meel walba cabashaa ka jirta iyo Qaylodhaan.

 

Daacadnimo iyo dabacsanaan

Daacadnimo iyo dabacsanaan kuma sifoomin Dr Gaas cida kaliya ee uu daacada u yahayna waa madaxweyne Xasan Shiikh ee Villa Somalia iyo Kooxdiisa.

 

Dhegaysto shacabka

Madaxweyne Dr Gaas wuxuu Dhegaystaa oo kaliya Kooxdiisa iyo Kooxda Villa Somalia ee ma dhagaysto  shacabka reer Puntland ee uu madaxda u yahay iyo waxa ay doonayaan.

 

Maqaamka iyo Sumcada Puntland

Wuxuu madaxweyne Dr Gaas gaarsiiyey Maqaamka iyo Sumcada Puntland meeshii ugu hoosaysay isagoo ka dhigay Degmo laga Xukumo Villa Somalia iyo Kooxda Dam Jadiid.

 

Wax ka qabasho arimaha bulshada

Warkeedba daa in uu wax ka qabtay arimaha bulshada iyo sidii loo hurumarin lahaa iyo u adeegida dadkii uu masüuliyada u hayey.

 

Dowladwadaag iyo maamul baahsan (Good Governance)

Madaxweyne Dr Gaas ma hayo ilaa iyo hada wado lagu abuurayo dowladwadaag iyo maamul baahsan (Good Governance) ee wuxuu hayaa wada kooxaysi ah iyo nin jeclaysi.

 

Puntlandes.com

 

 

About The Author