Sawirro: R/wasaare Khayre oo kormeeray wasaaradaha Arrimaha dibadda & Maaliyadda

13 Marso 2018 (Puntlandes) R/wasaaraaha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta wasaraaddaha arriaha dibadda maalgashiga iyo iskaashaiga caalamiga iyo Maaliyadda isagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha wasaaradahaasi.

R/wasaraha ayaa kormeerkiisa ku bilaabay wasaaradda arrimaha dibadda halkaas oo uu kulan looga  hadlay dar-dar galinta howlaha wasaradda kula qaatay wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaraddaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasare Khayre  ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaaradda Maaliyadda isagoo  kulan la yeeshay wasiirka maaliyadda waxa uuna ka wareystay halka ay marayso   howlaha ay mareyso howlaha muhiimka ah ee wasaaraddaasi.

Dhanaca kale R/wasaaraha ayaa xeebta Liido waqti kula qaatay dadweyne ku sugnaa  halkaa kuwaa oo u badna dhalinyaro.

R/wasaare Khayre ayaa  dadkii uu kula kulmay xeebta Liido waydiiyay  tolooyin iyo tabashooyin ay u hayaan dowladda, wuxuuna si deggan u dhageystay aragtiyaha dadkii uu halkaasi kula kulmay.

Dhalinyaro kubbad ku ciyaareysay xeebta Liido ayaa  R/wasaraha u sheegay in  ay u bahan yihiin in garoomo ay ku ciyaaraan looga dhiso degmooyinka.

R/wasaraha Xukumadda   Federaalka Soomaaliya ayaa dhallinyaradda u ballan qaaday in wax laga qabtandoono baahida  dhalinyaradda Sooamaliyeed.

88e

88e1

88e2

88e3

88e4

88e5

Puntlandes.com

About The Author