Xog: Damjadiid oo dabin siyaasadeed iyo mid colaadeed u maleegaysa Puntland

Koox diineedka Dam Jadiid ee u talisa DFS ee fadhigeedu yahay Villa Somalia ayaa wada qorshe dhinac walba laga weerarayo dawlada Puntland. Dhinacyada uu qorshaysan in ay ka weeraraan Puntland ayaa ah dhinaca siyaasada iyo dagaal toos ah oo lagu qaado.

Tododaadka soo socda waxay Dam Jadiid ku qabanaysaa shir magaalada Kismaanyo kaasoo lagu dhisayo Isbahaysi Siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland una dhaxeeya Baydhabo, Kismaanyo iyo Xamar. Isbahaysigan u dheeya Shariif Xasan ka Baydhabo, Axmed Moobaha Kismaanyo iyo Dam Jadiid waa mid la doonaya in lagu go’doomiyo Puntland . Waxaa kaloo lagu doonayaa Isbahaysigan in xulufo ku taageerta loogu helo Colaada iyo Boobka Gobolka Mudug lala damacsan yahay.

Sida ay ilo lagu karsoon yahay ka heshay Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com waxay Dam Jadiid ka soo direen Xamar laba Kooxood oo loo soo diray in ay dagaal ka abuuraan Mudug iyo Galgaduud. Labadaas Kooxood ayaa kala ah Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada Mahad Mohamed Salaad oo loo diray Galgaduud iyo  Cabdi Qaybdiid oo Mudug loo soo diray. Hubka iyo qarashka ku baxaya waa loo soo qadimay.

 Kooxdii Galgaduud dagaalkii waa riday wax la sugaaba waa Kooxda Mudug. Ugu dambayna Qorshaha Dam Jadiid waa in Xamar looga dhawaaqo maamul madax looga dhigo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay dhahaan wuxuu maamulaa Mudug iyo Galgaduud.

 

Puntlandes.com

About The Author