Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 3aad

Waxaan idiin soo gudbinaynaa Qaybtii sadexaad oo aanu ku soo qaadanayno qayb kamid ah Warbixintii Dugsiga Hoose/Dhexe Cirro. anagoo qaybo kale oo ku saanbsan isla Dugsigan idiin soo giudbindoona haddii Allah idmo.

10113

Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro Primary School (Warbixinta  Bisha September/October 2014) Qaybtii 2aad

Barmaamijka kulanka ardada ee maalinta Arbacada ah

Barnaamijkaan waxa loogu talagalay ardada dhigata dugsiga hoose/dhexe  ee Cirro primary school, ka dib markii maamulku  arkay baahida loo qabo in ay ardaydu is wacyi galiso iyagoo isticmaalaya habab kala duwan sida: Riwaayado, Suugaan ,Majaajilo , Dhiiri galin ,Abaal marin ardada akhlaada badan, Barnaamijyo diini ah iyo wixii la mid ah fiiri sawirkaan kulanka ardada ee maalinta arbacada.

Sawiro muujinaya kulanka Ardada ee maalinta arbacada ah.

1109

1111

 

 Qabashada Doorashada Gudoomiyaha Ardada Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cirro Primary School

Kahor sanad dugsiyeedkan 2014-2015  ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro primary school malahayn hogaamiye guud oo ay soo doorteen Ardaydu,  illaa waagii la dhisay  oo taariikhdu ahayd 2001.

Taariikhdu marka ay ahayd 06/11/2014 waxa ay Ardadu doorteen hogaan  isku xiraya dhammaan ardada Dugsiga Cirro iyo waliba qaybaha kale ee bulshada, waxaana doortay gudoomiyaha guddi laga soo xulay fasallada Dugsiga ,waxa ayna u dhacday si kala danbayn iyo akhlaaqba leh, Doorasho oo arday badan  tartameen una tartamayeen jagada gudoomiyenimada ayaa wareegii kobaad waxaa kasoo gudbay sadex Arday kuwaas oo ahaa sadexdii ugu codka badnayd, waxaana ku guulaystay jagadii loo tartamayay arday dhigta fasalka shanaad(Grade 5) kaas oo hogaamin doona ardayda dugsiga hoose dhexe insha allah labada sano ee soosocota.

Magaca gudoomiyaha la doortay waa: C/khayr Axmed Ashkir oo dhigta fasalka 5aad. Waxaana doortay gudiyaal laga soo xulay fasallada oo dhan 45 xubnood ,waxaan goob joog ka ahaa maamulka Dugsig, Maamulka Mashruuca ,Macalimiinta  iyo Gudiga Waalidiinta Dugsiga. Baahida  keentay in ardada hogaan loo sameeyo waa:

  • Tirada ardada oo sii kordhaysa sanadba sanadka ku xiga tusaale ahaan sanadkaan waa 1007.
  • Suurtagal waa ay noqon weyday arday intaa le’eg oo hogaan lahayn.
  • Isku xir la’aansho ardada dhexdeeda ah
  • Ardayda oo ay muhiim noqotay in ay ayagu is wacyi galiyaan
  • Ardayda dugsiga hoose dhexe oo ah ardayda ugu badan ee deeganka ayna tahay in ay helaan cid ayagu ay doorteen oo matasha

1112

Gudoomiye C/khayr Axmed Ashkir oo kulan laleh fasal kamid ah ardayda

DHIREYNTA DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE CIRRO BURSAALAX

Maamulka, Macalimeenta iyo Ardada oo ka qayb qaatay dhireyn lagu sameeyey dugsiga Hoose/dhexe ee Cirro. Taasoo bilicda Dugsiga kor u qaatay muujisayna guul la taaban oo si wada jir ah ay sameeyeen Maamulka, Macalimeenta iyo Ardadaba.

Sawiro muujinaya waxqabadka

1113

Dhamaan shaqaalaha Cirro Primary School oo loo sameeyay kaarka aqoonsiga (Identity card or staff ID Carf)

Maanta oo taariikhdu tahay 10/11/014  waxaa shaqaalaha kala duwan ee  dugsiga loo sameyey ID CARD, kaas oo lagu kala saarayo qofka Maamulka ah, Bareyaasha, Waardiyaha  tusaale ahaan.

  1. Maamulaha waxa loo sameeyey kaar maamulnimo(Principal)
  2. Baraha waxa loo sameeyey kaar macalinimo(teacher)
  • Waardiyaha waxa loo sameeyey kaar waardiyenimo
  1. Nadaafada waxa loo sameeyey kaar nadiifiyenimo.

Taasoo noqotay guul la taaban karo oo lagu kala garanayo qof walba waxa ay shaqadiisu tahay .

Sawir muujinaya bare ka mid ah barayaasha dugsiga H/Dhexe  Cirro iyo qaabka ID kaarku uu yahay

1114

Dugsiga Farsamada Gacanta ee Cirro Vocational School

1115 1116

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cirro primary school  waxaa sanad dugsiyeedka 2014/2015 lagu soo kordhiyey qayb waxbarasho oo cusub oo ah farsamada gacanta.waxbarashada farsamada gacanta waa qaybtii 1aad,waxaana lagu baranayaa laba xirfadood oo kala ah:

  • Farsamada korontada oo ay bartaaan rag:ardada dhigata qaybta 1aad ee farsamada korontadu waxa ay dhan yihiin 22 arday .
  • Farsamada cilaanka:waxa dhigta arday dhan 38 arday oo haween ah kana faa’iidaysta waxbarashada ay fursada u heleen.

Sports-ka

Dusiga Hoose dhexe waxaa kafurmay koob loogu talagalay in ardayda lagu dhiiri galiyo kaas oo hada maraya meel fiican,ayna dhamaan fasalada dugsigu ka qayb galeen

1117

La soco Qaybta sadexaad oo aad u xiise badan

Waxaa diyaariyey Warbixinta Qotada dheer: Maamulaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax

Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author