Itoobiya oo mar kale beenisay in Heshiiska Dp World ee Dekeda Barbara uu calaamad u yahay Aqoonsiga Somaliland

24 Marso 2018 (Puntlandes) Wasiirada Gaadiidka ee Itoobiya Axmed Shide iyo arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo ahaa labadii wasiir ee Dalka Itoobiya iyo Somaliland u saxeexay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay saamaynta uu heshiisku ku leeyahay aqoonsiga Somaliland.

94a1

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sida ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee Bloomberg, wuxuu u sheegay isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta in saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera uu calaamad u yahay “aqoonsiga” Somaliland, kaaso dawladda Itoobiya laga siiyey saami dhan 19%.

Dhank a kale wasiirka Daadiidka dalka Itoobiya Axmed Shide oo ahaa mas’uulkii Itoobiya u saxeexay saamiga ay ka heshay dekedda Berbera, ayaa beeniyey sheegashada Wasiirsacad.

Wasiirka ayaa Bloomberg u sheegay inaanu saamigaasi wax xiriirin ah        la laynd aqoonsi Somaliland, isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi.

Puntlandes.com

About The Author